spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Wasiirka Gaashaandhigga DFS Ayaa Maanta Daah-furay Kulanka Guddiga Difaaca...

Wasiirka Gaashaandhigga DFS Ayaa Maanta Daah-furay Kulanka Guddiga Difaaca Qaranka

0
14

Isniin 2 Feb 2026 {HMC}   Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay kulanka Guddiga Difaaca Qaranka, kaas oo ah madal istaraatiiji ah oo muhiim u ah xoojinta hoggaaminta difaaca, kor u qaadista isku-xirka hay’adaha amniga, iyo mideynta howl-galada iyo dib-u-habeynta ciidamada qalabka sida.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Cali Balcad, La-taliyaha Amniga Qaranka Aweys Xaaji Yuusuf, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada, safiirrada saaxiibada caalamiga ah iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka howlgala.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Guddiga Difaaca Qaranku uu door muhiim ah ka qaadan doono hagidda jihada istaraatiijiga ah ee difaaca dalka, isagoo noqon doona gole lagu mideeyo yoolalka howl-gal, dib-u-habeynta hay’adaha, iyo go’aannada hoggaamineed ee heer qaran, si loo helo nidaam difaac oo mideysan, hufan, isla markaana waafaqsan istaraatiijiyadda qaranka.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta awoodda ciidamada qalabka sida, isagoo xusay in amniga mustaqbalka Soomaaliya lagu xaqiijin karo dhismaha ciidan xirfad leh oo leh awood hawl-gal iyo mid dhaqaale labadaba.

Gabagabadii, Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo qorshe kala-guur ah oo lagu doonayo in si buuxda ay ula wareegto mas’uuliyadda amniga qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here