spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Trump oo dhawaaqay in uu Mareykanka heshiis ganacsi la galay Dalka Hindiya.

Trump oo dhawaaqay in uu Mareykanka heshiis ganacsi la galay Dalka Hindiya.

0
10

Isniin 2 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa waxyar ka hor ku dhawaaqay inuu Mareykanku heshiis ganacsi la galay Wadanka

Hindiya , kaddib wadahadal uu telefoonka kula yeeshay Ra’iisul wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, iyadoo wadahadalkan uu sheegay inay Hindiya oggolaatay joojinta shidaalka ay ka iibsato Ruushka , taa beddelkeedana waxay Hindiya iibsan doontaa shidaalka uu gacanta ku dhigay Mareykanka ee dalka Venezuela, tallaabo uu Trump ku sheegay inay meesha ka saarayso dhaqaalaha uu Ruushka ku maalgeliyo dagaalka Ukraine.

Sidoo kale , wuxuu Trump , shaaca ka qaaday in hoos loo dhigay canshuurta la saaray badeecadaha Hindiya oo 25% markii hore ahaa oo hoos loo dhigay heer 18%, halka Hindiya ay meesha ka saartay canshuurtii ay saartay badeecadaha Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here