spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Madaxweynaha Turkiga oo booqasho rasmi ah ku tago Sacuudi Carabiya, una sii...

Madaxweynaha Turkiga oo booqasho rasmi ah ku tago Sacuudi Carabiya, una sii gudbi doono dalka Masar.

0
15

Isniin 2 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa lagu wadaa inuu berri booqasho rasmi ah ku tago Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halka 4-ta Febraayo uu u gudbi doono dalka Masar, booqashooyinkan oo lagu tilmaamay kuwo muhiim u ah xoojinta iskaashiga siyaasadeed iyo amni ee dalalka gobolka.

Dowladaha Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Masar ayaa haatan u muuqda kuwo isku aragti ka ah arrimo dhowr ah oo quseeya danahooda istiraatiijiyadeed ee dalalka Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen.

Saddexdan dal ayaa si gaar ah walaac uga muujinaya dhaq-dhaqaaqyada iyo saamaynta taban ee Imaaraadka Carabta ee gobolka, kuwaas oo ay u arkaan kuwo halis ku ah dheelitirka amniga iyo siyaasadda Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa isaguna qorsheynaya safarro diblomaasiyadeed oo uu dhawaan ku tagi doono dalalka Masar iyo Sacuudi Carabiya, kuwaas oo la filayo in ay diiradda saaraan xoojinta xiriirka labo geesoodka ah, taageerada amniga, iyo iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya la wadaagto dalalkaas.

Sucuudiga iyo Masar ayaa walwal ka qaba qadiyada Badacas halkaas oo ay ka jirto xiisad sii kordhaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here