Talaado 3 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa lagu wadaa inuu maanta booqasho rasmi ah ku tago Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halka 4-ta Febraayo uu u gudbi doono dalka Masar, booqashooyin lagu tilmaamay kuwo xasaasi ah oo salka ku haya xoojinta iskaashiga siyaasadeed, amni iyo istiraatiiji ee dalalka muhiimka ah ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.
Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in kulammada uu Erdoğan la yeelan doono hoggaamiyeyaasha Sacuudiga iyo Masar ay si gaar ah diiradda u saari doonaan arrimaha amniga gobolka, iskaashiga milatari, tamarta, ganacsiga, iyo is-waafajinta mowqifyada ku aaddan qalalaasaha ka taagan dalal dhowr ah oo carqalad ku ah xasilloonida gobolka.
Dowladaha Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Masar ayaa haatan u muuqda kuwo si isa soo taraysa ugu midoobaya aragti wadaag ku saabsan arrimo dhowr ah oo quseeya danahooda istiraatiijiyadeed, gaar ahaan xaaladaha ka jira Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen. Saddexdan dal ayaa walaac xooggan ka muujinaya waxa ay ku tilmaameen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed, dhaqaale iyo amni oo ay Imaaraadka Carabta ka wadaan dalalkaas, kuwaas oo ay u arkaan kuwo wiiqaya dheelitirka awoodda iyo amniga gobolka.
Si gaar ah, Sacuudiga iyo Masar ayaa ka walwalsan arrimaha la xiriira Badacas (Badda Cas), halkaas oo ay ka jirto xiisad sii kordhaysa oo ay ku lug leeyihiin tartan quwaddeed, faragelin shisheeye iyo khataro amni oo saameyn ku yeelan kara marinnada ganacsiga caalamiga ah iyo amniga xeebaha. Dalalkan ayaa u arka Badda Cas mid muhiim u ah ammaanka qarankooda, dhaqaalaha iyo marin u helidda suuqyada caalamka.
Turkiga, dhankiisa, ayaa doonaya inuu ballaariyo doorkiisa gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika, halkaas oo uu horey uga leeyahay saameyn milatari, dhaqaale iyo diblomaasiyadeed, sida saldhigga militari ee Soomaaliya iyo mashaariic horumarineed oo ballaaran.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa isaguna qorsheynaya safarro diblomaasiyadeed oo uu dhawaan ku tagi doono Masar iyo Sacuudi Carabiya, safarro la filayo in ay xooga saaraan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, helidda taageero amni, iyo ballaarinta iskaashiga dhaqaale iyo maalgashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaas.
Safarradan isdaba-joogga ah ee hoggaamiyeyaasha gobolka ayaa lagu tilmaamay kuwo muujinaya dib-u-habeyn istiraatiiji ah iyo isku-dubarid siyaasadeed oo cusub, xilli gobolka uu wajahayo isbeddello degdeg ah, khilaafaad cusub iyo loollan xooggan oo quwadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ay ku doonayaan saameyn.






