spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Maxeey Ka wadahadleen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.?

Maxeey Ka wadahadleen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.?

0
624

Talaado 3 Feb 2026 {HMC}  Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Danjire Francesca Di Mauro.

Intii uu kulanku socday, Wasiirka waxaa lala wadaagay warbixin ku saabsan adeegyada caafimaadka, taageerada farsamo iyo tan agab ee Midowga Yurub ku taageero Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda iyo diyaar-garowga ciidamada.

Kulankan waxa uu ku soo beegmay munaasabadda wareejinta agab, gaadiid iyo dhammaysitirka mashaariicda ay ka mid yihiin dhismaha Xarunta Xiriirka ee Villa Baydhabo iyo dhismaha qaybta caafimaadka ee Guutada 27-aad ee CXDS ee Buulo Burde.

Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Taliyaha Xarunta Hawlgallada Wadajirka ah (JOCC), Sareeye Guuto Maxamed Bariise, wakiillo ka socda Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM-S), Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda (UNOPS), iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here