spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS {DAAWO SAWIRADA} Midowga Yurub oo agab milatari Ku wareejiyey Dowladda Soomaaliya.

{DAAWO SAWIRADA} Midowga Yurub oo agab milatari Ku wareejiyey Dowladda Soomaaliya.

0
669

Talaado 3 Feb 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo Taliyahii hore Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Danjire Francesca Di Mauro.

Intii uu kulanku socday, Wasiirka waxaa lala wadaagay warbixin ku saabsan adeegyada caafimaadka, taageerada farsamo iyo tan agab ee Midowga Yurub uu ku taageero Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda iyo diyaar-garowga ciidamada.

Kulankan ayaa ku soo beegmay munaasabadda wareejinta agab, gaadiid iyo dhammaystirka mashaariic, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha Xarunta Dhexe ee War-isgaarsiinta ee Villa Baydhabo iyo dhismaha Cisbitaalka Qaybta 27-aad ee CXDS ee magaalada Buulo Burde.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada kala duwan ee ay la garab taagan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka, isagoo xusay in mashaariicdan iyo agabkan ay door muhiim ah ka qaadan doonaan casriyeynta iyo horumarinta difaaca dalka.

Kulanka waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Taliyaha Xarunta Hawlgallada Wadajirka ah, Sareeye Gaas Maxamed Bariise, Madaxa Hoggaanka War-isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda XDS, Madaxa Hoggaanka Ciidanka XDS, Madaxa Hoggaanka Qorsheynta & Istaraatiijiyadda Ciidanka, iyo wakiillo ka socday Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here