spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Yaa Dilay wiilka uu dhalay Madaxweynihii hore ee liibiya.?

Yaa Dilay wiilka uu dhalay Madaxweynihii hore ee liibiya.?

0
26

Arbaco 4 Feb 2026 {HMC}Saif Al-Islaam Qadaafi oo ah wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Liibiya Mucammar Qadaafi ayaa lagu dilay Magaalada Zintan ee dhinaca Koofur Galbeed uga beegan Caasimadda Dalkaas ee Tripoli una jirta 136 Kiilo-mitir.

Koox hubaysan oo wadartooda ka kooban tahay 4 ruux isla markaana jirkooda qariyay ayaa gurigiisa ugu galay Saif Al-Islaam, kaddib waa ay toogteen iyaga oo isla markiiba goobta isaga baxsaday sida ay ku warrameen ilo kala duwan

Qareenkiisa oo lagu magacaabo Khaalid Al-Zaaidi iyo la taliyihiisa Siyaasadeed oo isna lagu magacaabo Cabdullaashi Cismaan ayaa qoraallo ay soo dhigeen Barahooda Xiririka Bulshada ku xaqiijiyay arrintaan iyaga oo ka gaabsaday in ay faahfaahin raaciyaan

 

Warbaahinta lagu magacaabo Fawasel Media ayaa soo xigatay xubno ku dhow ehelka reer Qadaafi waxaana ay baahisay dilkaas uu ahaa mid shirqool ah oo si qoto-dheer looga soo shaqeeyay inkasta oo aanay bannaanka soo dhigin macluumaad intaas ka baxsan

 

Kooxda Siyaasadeed ee Saif Al-Islaam Gaddafi uu ka tirsanaa oo soosaartay Warsaxaafadeed ayaa sheegtay in dilkaas uu ahaa mid qorsheysan oo ah Dil khiyaanno ah isla markaana ay fulisay Koox ka kooban 4 ruux oo wajigooda qarsatay

 

Dowladda Liibiya ayaa sheegtay in ay baaris dhammaystiran oo degdeg ah ku billawday kiiskaan, waxa ay si kooban ay u xustay in ay soo gudbin doonto marka ay hesho raadraaca sida uu dilkaas u dhacay, cidda ka danbaysa iyo jawaabaha kale ee loo baahan yahay in la helo.

Saif Al-Islaam Mucammar Qadaafi waxa uu kamid ahaa 7da wiil uu dhalay Hoggaamiyaas, waxa uu daraaseeyay Culuumta dhaqaalaha isaga oo wax ku bartay Dalka Ingiriiska, Markii la riday Maamulka Aabihiis lana dilay Qadaafi iyo qaar kamid ah ubadkiisa waxa uu degay Koofurta Tripoli isaga oo halkaas saldhigtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here