Khamiis 5 Feb 2026 {HMC}Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, isla markaana ah caasimadda kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal dhaliyay khasaare kala duwan.
Dagaalka oo socday tan iyo galinkii dambe ee shalay ayaa mar kale maanta dib u qarxay, isagoo u dhexeeya ciidanka amniga ee maamulka Koofur Galbeed iyo askar daacad u ah sarkaal lagu magacaabo Cabdiraxmaan Niishow.
Goobjoogeyaal ku sugan magaalada ayaa sheegay in la maqlayo rasaas oo ay isdhaafsanayaan labada dhinac, isla markaasna dagaalka uu si gaar uga socda Xaafadda Onodka iyo goobo kale oo u dhow.
Wararka hordhaca ah ee laga helayo ilo deegaanka ah ayaa tilmaamaya in iska horimaadkan uu salka ku hayo arrimo la xiriira muran dhul, kaas oo markii dambe isu beddelay dagaal toos ah oo u dhexeeya ciidanka maamulka iyo askarta sarkaalka ka tirsan ciidanka xoogga dalka.
Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana gebi ahaanba xaddidan isgaarsiinta magaalada Baydhabo, taas oo adkeysay in la ogaado khasaaraha rasmiga ah ee dhimasho iyo dhaawac leh ee ka dhashay dagaalka.
Mas’uul u hadlay maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay la dagaalamayaan Maleeshiyaad hubeysan, balse weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay sarkaalka Cabdiraxmaan Niishow.






