spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Kulanka Golaha Wasiirrada Ayaa maanta looga hadlay arrimo ay ka mid...

Kulanka Golaha Wasiirrada Ayaa maanta looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin gurmadka abaaraha & Arimo Kale .

0
11

Khamiis 5 Feb 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada, kaas oo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin gurmadka abaaraha, maareynta musiibooyinka iyo ansixinta heshiisyo caalami ah.

Golaha ayaa ugu horreyn dhageystay warbixinno ku saabsan saameynta ba’an ee abaaruhu ku yeesheen biyaha iyo cuntada dalka, iyadoo la qorsheeyey tallaabooyin degdeg ah.

Waxaa sidoo kale la ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Sanduuqa Qaran ee Maareynta Khataraha iyo Musiibooyinka, kaas oo xoojinaya isku-tashiga dowladda iyo shacabka ee ka hortagga masiibooyinka.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa meel-mariyey heshiisyo iyo xeerar muhiim u ah horumarka gaadiidka badda iyo tayeynta adeegyada dowladda, kuwaas oo kala ah:

Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo ku saabsan iskaashiga gaadiidka badda, Axdiga Shaqaalaha Badda (2006), Heshiiska Caalamiga ah ee Nairobi ee ka saarista burburka maraakiibta ee 2007, Axdiga Caalamiga ah ee cabbirka culayska Maraakiibta ee 1969.

Ugu dambeyn, Goluhu wuxuu dhegaystay warbixin ku saabsan halista tahriibka iyo ka-ganacsiga dadka, iyadoo la tilmaamay dhibaatooyinka naf iyo maal leh ee ay la kulmaan dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana la isla qaatay in la xoojiyo wacyigelinta iyo la-dagaallanka kooxaha ka ganacsada dadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here