Jimco 6 Feb 2026 {HMC} Wadahadalladii u dhaxeeyay Mareykanka iyo Iiraan ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muscat , iyadoo ay dhex dhexaadinaysay dawladda Cumaan oo shirka martigelisay, xilli la sheegay inay wadahadallada sii socon doonaan, mana jirta wax natiijo ah oo la shaaciyay oo wadahadallada maanta lagu gaaray.
Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Cabbaas Araghchi oo wadahadallada maanta ka hadlay , wuxuu sheegay in kalsooni-darro halis ah ay weli ka dhex jirto Iiraan iyo Mareykanka, taasoo si toos ah u saameyneysa wada-xaajoodyada socda. Si kastaba ha ahaatee,
Araghchi wuxuu caddeeyay in jawiga kulammadii maanta uu ahaa mid wanaagsan, isla markaana labada dhinac ay hadda ku mashquulsan yihiin dhisidda qaab wada-xaajood oo cusub, halkii laga geli lahaa qodobo muran badan dhalin kara.
Wuxuu si cad u sheegay in wada-xaajoodyadu ay ku koobnaayeen oo keliya barnaamijka nukliyeerka, isla markaana aysan jirin arrimo kale oo lagu gorfeeyay miiska wada-hadalka.
Ugu dambayn, wasiirka arrimaha dibadda Iiraan wuxuu xusay in natiijooyinka kulammada maanta si taxaddar leh looga eegi doono Tehran iyo Washington, ka hor inta aan la qaadin tallaabooyin kale oo xiga.






