spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Puntland oo dalbatayin lala xisaabtamo cid kasta oo bixisay amarkii lagu ciliyey...

Puntland oo dalbatayin lala xisaabtamo cid kasta oo bixisay amarkii lagu ciliyey diyaaraddii waday Ciidankeda .

0
8

Sabdi 7 Feb 2026 {HMC}  Puntland ayaa dalbaday in lala xisaabtamo cid kasta oo bixisay amarkii lagu carqaladeeyay duulimaad ay saarnaayeen ciidamo iyo saraakiil ka socday Puntland, kuwaas oo ku wajahnaa magaalada Muqdisho. Duulimaadkaasi ayaa ahaa horudhac safar uu Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ku tagi lahaa caasimadda.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Diri, ayaa sheegay in diyaaradahaasi si khasab ah hawada looga celiyay, isla markaana ay jireen tallaabooyin muujinaya in si ula kac ah loo geliyay xaalad khatar ah.

Wuxuu tilmaamay in diyaaradda lagu qasbay safarro dheeraad ah iyadoo aan la siin shidaal ku filan, arrintaas oo uu sheegay in ay si cad uga baxsan xeerarka caalamiga ah ee duulista, islamarkaana halis gelin kartay badbaadada rakaabka iyo diyaaradda lafteeda.

Wasiirku wuxuu sheegay in falkaasi ujeeddadiisu ahayd carqaladeynta shirar muhiim ah iyo abuurista khilaaf iyo kala fogaansho siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Soomaalida, iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada dalka.

Waxa uu intaas ku daray in dhacdadani ay si toos ah u dhaawacday sumcadda hay’adaha duulista rayidka ah ee Soomaaliya, isla markaana ay muujinayso ku takrifal awoodeed iyo mid siyaasadeed.

Wuxuu sheegay in ficilladaas ay u dhigmaan dambiyo culus oo u baahan baaritaan hufan iyo in tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo ku lug leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here