spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Agaasimaha NISA oo ka qaybgalay fadhiga 7-aad ee Shirka Madaxda Hay’adaha Sirdoonka...

Agaasimaha NISA oo ka qaybgalay fadhiga 7-aad ee Shirka Madaxda Hay’adaha Sirdoonka dalalka Carabta.

0
4

Sabti, 07 Feb 2026 {HMC} Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qaybgalay fadhiga 7-aad ee Shirka Madaxda Hay’adaha Sirdoonka dalalka Carabta, kaas oo ay ka qayb galeen 22 dal, shirkaas ayaa lagu qabtay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Waxaa shirkaas looga hadlay wadashaqaynta, iskaashiga iyo xog isdhaafsiga Hay’adaha Sirdoonka dalalka Carabta, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray muhiimadda ay leedahay midnimada, wadajirka iyo madax-banaanida dowladaha Carabta iyo caqabadaha amni ee xilligan ka jira, gaar ahaan ka hortagga kooxaha argagixisada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here