Axad , 08 Feb 2026 {HMC} Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo ka hadlay faylasha xumaanta xambaarsanaa ee Jeffrey Epstein ee dhowaan lasoo bandhigay ayaa sheegay in xumaantaas ay ka dambayso Yuhuudda oo muddo dheer waday dibandaabyadaas.
Sheekha ayaa ka digay dhagarta Yuhuudda maadaama ay suuragalisay in Madax kala duwan oo xilal haya ay u horseedday in ay gaystaan dhibaatooyinkaas ka dhanka ah Carruurta, waxa uu intaas ku daray in ay weli ku howlan yihiin falal kale oo kasii xun.
“Faylasha xun ee dunida laga gudbiyay waxaa ka dambeeya waa Yuhuudda, In ka badan 6 Milyan oo Fayl waxaa la uruurinayay 30 sano oo kaamil ah, Madaxdii, Tukaartii & Aqoonyahannadii oo dhan ay tageen Jasiiraddaas, waala arkayay Carruur la qasho balse ma jirin cid wax ka qaban kartay” Ayuu yiri, Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haariin.
Yuhuudda ayuu tilmaamay in dagaallada Dunida iyo Faafinta Xumaanta in ay ka dambeeyaan si ay dhulka u fasahaadiyaan, Sheekh Mustafa ayaa intaas hadalkiisa in sababaha colaadda ay u abuurayaan ay tahay in la iibsado Diyaaradaha iyo hubka ay sameeyaan.
“Colaadaha & Fasahaadka dunida ka socda waxaa ka danbeeya Yuhuudda, Faylasha lasoo bandhigay ee Epstein iyaga ayaa ka danbeeyay” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay, Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun.






