Axad, 08 Feb 2026 {HMC} Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa booqasho shaqo ku jooga magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa maanta ka qaybgalay furitaanka bandhigga Difaaca Adduunka (World Defense Show) 2026 oo ka furmay Riyaad.
Bandhigga waxaa sidoo kale ka qayb galaya wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo uu wehliyo Taliyaha Ciidamada Boosliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullahi.
Bandhiggan, oo ah kii saddexaad, ayaa socon doona 8 ilaa 12 Febraayo 2026, waxaana ka qaybgalaya wufuud caalami ah, hay’ado dowladeed iyo shirkado ku takhasusay warshadaha difaaca iyo amniga, Inta uu Wasiirku ku sugan yahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaa uu saxiixi doonaa heshiis difaac oo u dhexeeya labada dal.
Ka qaybgalka wafdiga Soomaaliya ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga difaaca, is-weydaarsiga khibradaha iyo la socodka tiknoolajiyada casriga ah ee amniga iyo warshadaha militariga.







