Axad 8 Feb 2026 {HMC} Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta u baxay safar shaqo oo dibadda ah, waana markii ugu horreysay ee uu dalka ka dhoofo tan iyo markii uu xilka la wareegay bishii May ee sannadkii hore.
Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa si joogto ah ugu sugnaa Muqdisho tan iyo magacaabistiisa, isaga oo ku adkeystay in uu marka hore waqtigiisa geliyo gudashada waajibaadkii loo xilsaaray oo ay ka mid ahaayeen meelmarinta qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda iyo taageeridda ajandayaashii qaran sida Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee ka qabsoomay Muqdisho.
Joogitaankiisii dheeraa ee uusan xafiiska uga bixin muddadii uu xilka haayay waxa ay suurtogalisay in ay bulshada Caasimaddu maanta ka wada marqaati-kacayaan isbeddelka iyo waxqabadka muuqda ee laga sameeyay dadaallada dib-u-dhiska, bilic-soo-celinta, dib-u-habaynta Maamulka iyo horumarinta adeegyada bulshada oo uu ku guuleystay Maamulka Gobolka Banaadir.






