spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Israa’iil oo war ka soo saartay wadahadalka Iran iyo Mareykanka.

Israa’iil oo war ka soo saartay wadahadalka Iran iyo Mareykanka.

0
6

Isniin 9 Feb 2026 {HMC} Wasiirka tamarta ee Israa’iil, ayaa sheegay in heshiis macquul ah oo dhex mara Washington iyo Tehran aanu wax micna ah soo kordhineyn.

“Ma jiro wax macno leh oo laga samayn karo heshiis lala galo maamulka hadda jira. Isbeddelka xukunka ee Texraan wuxuu dan u yahay dhammaan waddamada Islaamka ee ku xeeran Iran,” ayuu Eli Cohen Axadii ku yiri wakaaladda wararka ee Israa’iil, Ynet.

Mr. Cohen wuxuu ku nuuxnuuxsaday: “Xataa haddii heshiis la gaaro, haddii ay soo baxdo khatar ka dhan ah Israa’iil oo aanu ku qasbannahay inaan tallaabo qaadno, waanu qaadi doonnaa tallaabo.”

Wakiillo ka socda Iran iyo Maraykanka ayaa wadahadallo aan toos ahayn ku yeeshay Muscat Jimcihii, waxaana marti galiyay Cumaan.

Waqtiga iyo goobta shirka xiga weli lama shaacin.

Golaha wasiirrada amniga ee Israa’iil, oo Eli Cohen xubin ka yahay, ayaa la filayaa inay maanta kulmaan.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Arbacada u safri doona Washington, si uu wadahadallo ula yeesho Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, kuwaas oo ku saabsan wadaxaajoodyada Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here