spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Dowladda Masar oo sheegtay in Soomaaliya usoo dirayso Saraakiil Amni &...

Dowladda Masar oo sheegtay in Soomaaliya usoo dirayso Saraakiil Amni & Dhaqaatiir

0
19

Isniin 9 Feb 2026 {HMC} Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay Soomaaliya usoo dirayso Saraakiil Khubarro ah oo Dowladda Federaalka ka gacansiiya adkaynta Amniga Dalka iyo la dagaalanka waxa loogu yeero ‘Argagaxisada’ kaddib wadahadal dhexmaray labada madaxweyne.

Madaxweynaha Masar, Cabdifitaax Al-Siisi ayaa in Dowladdiisa oo horay fasax ugu heshay ka qaybgalka Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM in ay dadejin doonto ciidamada iyo saraakiisha qaybta ka qaadanaya adkaynta Amniga Dalka.

“Iskaashigaan waxaa sidoo kale kamid ah tababarrada iyo dhisidda Awoodaha Ciidan, innaga oo Soomaaliya u dirayno Saraakiil khubarro amni ah oo gacan ka gaysta dagaallada ka dhanka ah Argagixisada, waxaana naga go’an xaqiijinta Himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed ee dhanka horumarka iyo Barwaaqada” Ayuu yiri Madaxweynaha Masar, Cabdifitaax Al-Siisi.

Sidoo kale, Xukuumadda Qaahira ayaa Dhaqaatiir takhasusaad kala duwan leh iyo dawooyin usoo diraysa Soomaaliya si loo xoojiyo cilaaqaadka ka dhaxeeya Labada Dowladood loona xoojiyo iskaashigooda dhinacyada kala duwan ku dhisan.

“Si loo sii wado dedaallada cusub ee lagu xoojinayo Yoolkeenna wadajirka ah, Masar waxa ay dhowaan Soomaaliya u diraysaa Dhaqaatiir leh Takhasusaad kala duwan iyo Agab Caafimaad” Ayuu yiri Madaxweynaha Masar, Cabdifitaax Al-Siisi.

Masar waxa ay kamid tahay Dalalka ku deeqay Ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM balse ciidamdeedu weli dalka sooma gaarin, Xukuumadda Qaahira ayaa shaacisay in ay soo dadejin doonto Ciidamadaas si ay qayb uga noqdaan howlgallada lagu adkaynayo Amniga Dalka sida hadalka loo dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here