Isniin 9 Feb 2026 {HMC} Dunidu maanta ma joogto meel deggan. Qof walba wuu dareemayaa. Dalalka waaweyn way is eegayaan, way is cabbirayaan, mid walbana wuxuu doonayaa inuu hubiyo inuusan ka harin jihada cusub ee caalamka. Kuwa dhexe iyaguna ma seexanayaan, waxay raadinayaan fursad ay ku muujiyaan in ay wax ku leeyihiin miiska lagu go’aaminayo mustaqbalka dunida.
Laakiin su’aasha dad badan maskaxdooda ku wareegaysa waa tan: dalalka tabarta yar maxaa sugaya? Ma yihiin kuwa mar walba la adeegsanayo mise way jirtaa waddo ay ku badbaadi karaan, xitaa ay wax ku kasban karaan?
Qaar waxay aaminsan yihiin in dal daciif ah uusan fursad lahayn. Laakiin marka taariikhda dib loo eego, arrintu sidaas ma aha mar walba. Dalal badan ayaa jiray oo xaalad adag kasoo baxay, haddana helay kalsooni, helay cid la shaqeysa, xitaa helay cid garab istaagta. Dalalku wax kuma qiimeeyaan , dalkaasii waa mid daciif ah, sidaa darteed looma baahno in la garab istaago, balse dalalka waxay qiimeyntooda ku saleeyaan ; sidee ayuu isu muujiyay?
Dal lagu kalsoonaado ma aha kan hadal badan, mana aha kan heshiisyo badan saxiixa. Waa kan marka la eego la fahmi karo. Kan la og yahay waxa uu rabo, waxa uu aqbalayo, iyo waxa uusan aqbalayn. Dunidu waxay jeceshahay wax la saadaalin karo.
Haddii aan Soomaaliya si deggan u eegno, waa dal muddo dheer xiriir la lahaa dibadda. Heshiisyo waa la galay, ballanqaadyo waa la is dhaafsaday. Laakiin marka arrin culus timaaddo, mar walba lama arko cid si cad u leh “annaga ayaa garab taagan.” Taasi waxay dhalisay hadallo badan iyo fasiraado kala duwan.
Qaar waxay leeyihiin: Soomaaliya nabad ma ahan, sidaas darteed ayaa loo aamini la’yahay. Qaar kale waxay yiraahdaan: Dal Muslim ah lama doonayo inuu xoog yeesho.Kuwo kalena waxay gaaraan meel ay yiraahdaan: Soomaali waligeed ma dhismi karto.” Laakiin inta badan hadalladaas waa niyad jab, ma aha xaqiiqo siyaasadeed.
Runta u dhow ayaa ah mid sahlan, isla markaana ka adag. Dunidu dal uma istaagto sababtoo ah waa dhibbane. Dalna uma difaacdo sababtoo ah waa saaxiib hore. Waxa la eega waa: ma jiraa jihayn cad? ma jiraa qorshe la fahmi karo? ma jiraa nidaam lagu shaqeyn karo?
Haddii arrimahaas la waayo, xitaa heshiisyada ugu culus wax badan ma tarayaan. Warqad la saxiixay haddii aysan ka dambeyn ujeeddo cad, waxay ku dambeysaa gal. Ma dhaawaceyso, mana daaweyso.
Dalalka maanta laga tixgeliyo caalamka badankood ma aysan helin taageero iyagoo diyaar ah. Waxay heleen markii ay muujiyeen in ay wax maamuli karaan, xitaa haddii ay khaladaad sameeyeen. Waxa la rabay ma ahayn kaamilnimo, balse waa jihayn.
Sidaas darteed, su’aasha dhabta ah ee hortaal ma aha cidda Soomaaliya dhisi doonta ama difaaci doonta. Su’aashu waa: Soomaaliya ma muujisay waddo ay u socoto? Ma jirtaa aragti dadka gudaha ah laga dhaadhiciyay, kana muuqata sida dalka ula macaamilo dunida?
Dunidu dal ma dhisto. Taasi waa xaqiiqo qadhaadh, balse cad. Marka dal is muujiyo, is abaabulo, oo u hadlo si hal cod ah xataa haddii uu tabar yar yahaydunidu way la falgashaa. Marka taas la waayo, dalkaa wuu jiraa, laakiin miisaan ma laha.
Isbeddelka maanta socda halis kaliya ma aha. Waa fursad. Laakiin fursaddu ma timaaddo iyadoo la sugayo. Waxay u timaaddaa dal yaqaan sida uu isu muujiyo, xitaa inta uu weli dhisanayo naftiisa.






