Ujeedka Sadafkii Madaxweyne Xasan Shiikh uu ku tagay dalalka Qatar iyo Masar oo La shaaciyay.

0
125

Isniin 9 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safarro shaqo oo rasmi ah oo uu ku kala bixiyay dalalka Qatar iyo Masar.

Madaxweynaha ayaa muddadii uu safarradaasi ku guda jiray, waxa uu kulammo miro-dhal ah la yeeshay madaxda sare ee dalalkaas, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka.

Safarradan shaqo waxay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso inay ku xoojiso doorka dalka ee arrimaha gobolka iyo caalamka, isla markaana ay ku kasbato taageero caalami ah oo lagu garab istaago midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here