Talaado 10 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa markii u horreysay si cad u sheegay in la joogo waqtigii Midowga Yurub uu wada-hadallo toos ah la yeelan lahaa Ruushka , inta uu ku jiray waraysi uu siiyay wargeyska Tages-Anzeiger ee ka soo baxa dalka Switzerland.
Wuxuu xaqiijiyay in hoggaamiyeyaal Yurub ka tirsan uu la wadaagay fikradan, isla markaana loo baahanyahay wada-hadallo aysan cid kale dhex dhexaadin oo dhab ah , xaqiijinaya danaha Yurub in lala galo Ruushka, iyadoo aan la cadaadineyn Ukraine.
Intaa wuxuu ku daray in la taliyihiisa arrimaha siyaasadda inuu dhawaan booqday Ruushka oo wadahadallo la yeeshay saraakiisha Ruushka, in kastoo uu xaqiijiyay booqashadaa gudaha Yurub in looga arkay mid waqti hore ah.
Haddaba, maxay tani ka dhigan tahay?
Marka hore, Yurub ayaa daashay. Dagaalka Ukraine wuxuu keenay culays dhaqaale oo muuqda, tamarta ay hesho Yurub ayaa dhaqaale badan ku kacaysa xilligan, hoos u dhac weyn ayaa ku yimid warshadaha Yurub , marxaladan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay nolosha Yurub oo sicir bararku sare maray.
Iskudarka xaaladan ayaa xataa dhaliyay cadaadis siyaasadeed oo gudaha ah.
Dalal badan oo Yurub ah ayaa si dadban u fahmay in dagaalkan uusan ku dhammaan doonin guul militari oo cad, isla markaana kharashkiisu uu si toos ah u saameynayo nolosha muwaadiniinta.
Sidaas darteed, hadalka Macron waa qirasho ah in wadahadalka Ruushka uu noqday ikhtiyaar lama huraan ah.
Dhanka Ruushka, hadalkan wuxuu u yahay fursad istiraatiiji ah. Moscow waxay muddo dheer raadineysay inay kala jebiso midnimada reer Galbeedka, gaar ahaan kala fogeynta Yurub iyo Mareykanka.
Mid ka mid ah ujeeddooyinka Ruushka ee dagaalka Ukraine ayaa mar kasta lagu sheegaa inay qeyb ka tahay inuu ka raadinayo heshiisyo cusub oo Yurub uu la galo, kuwaasoo sare u qaadaya awoodiisa iyo saameynta uu Yurub ku leeyahay.
Mareykanka oo isagu ka faa’iideysanayay dagaalka Ukraine ayaa heshiis kasta oo Yurub iyo Ruushka ah, waxay ku noqonaysa dharbaxo istaraatiji ah oo wiiqeysa saameynta uu Mareykanka ku lahaa Yurub, waana sababta hadda loo maqlayo Marcon oo sheegaya inan loo baahneyn dhinac kale oo danihiisa ku lifaaqa dhibaatada ay xaaladda taagan ka wajahayso Yurub oo ula jeedo Mareykanka.






