Arbaco 11 Feb 2026 {HMC} Gudoomiyaha Arimaha Dibadda ee Sanate Mareykanka oo Sheegay in Somaliland ay u muuqato Marin Hubka loo Mariyo Kooxda dagaalka kula Jirta Dowladda Suudaan ee RSF
Warkan oo lagu daabacay bogga X ee Guddoomiyaha Xiriirka Arrimaha Dibadda Mareykanka (Senate Foreign Relations Committee Chairman), Jim Risch ayaa lagu yiri
“Waxaan ka walaacsanahay warbixinnada ku saabsan xarun tababar oo lala xiriirinayo Imaaraadka (UAE) oo gudaha Itoobiya loogu furay maleeshiyada xasuuqa geysata ee RSF, iyadoo laga yaabo inay jiraan waddooyin sahayda loo mariyo oo sii mara Somaliland.
Tallaabooyinkani waxay noqon doonaan kuwo xaaladda sii hurinaya, waana sabab kale oo dheeri ah oo loogu aqoonsan karo RSF urur argagixiso shisheeye (FTO), taas oo horseedi doonta cawaaqib ka dhasha taageeradan wakalaadeed gobolka ah.”







