spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Jubbaland oo War Cusub kasoo Saaray khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay...

Jubbaland oo War Cusub kasoo Saaray khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Jamaame.

0
20

Arbaco 11 Feb 2026 {HMC} Maamulka Jubbaland ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Maanbile, oo ku yaalla jiinka Wabiga Jubba, duleedka degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu laayay xubno badan oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Jubbaland, ciidamada Jubbaland oo kaashanaya Ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab iyo Ciidamada Nabad-Sugidda Jubbaland ayaa fuliyay weerar qorshaysan oo lagu beegsaday fariisimo iyo godad ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka qoteen jiinka wabiga.

Dagaalka oo socday ku dhowaad afar saacadood ayaa ku billowday weerar toos ah oo ay ciidamadu ku qaadeen goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka. Intii uu socday dagaalka, Al-Shabaab ayaa la sheegay inay sameeyeen iska-caabin xooggan, balse ciidamada huwanta ah ayaa ugu dambeyn gudaha u galay godadkii ay ku jireen.

War-saxaafadeedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay illaa 70 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in duqeymo cirka ah ay kaalin muuqata ka qaateen jabinta maleeshiyaadka.

Maamulka Jubbaland ayaa ku tilmaamay howlgalka mid guul ah oo muujinaya iskaashi dhab ah oo u dhexeeya Ciidamada Jubbaland, Kumaandooska Danab iyo hay’adaha amniga, iyagoo ballanqaaday sii wadista howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here