spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Turkiga oo maraakiib dagaal keenay Muqdisho.

Turkiga oo maraakiib dagaal keenay Muqdisho.

0
9

Arbaco 11 Feb 2026 {HMC} Wasiir dowlaha wasaarada Gaashandhigga XFS Cumar Cabdi Cali uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Mohamed Mohamuud ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Maraakiib Dagaal oo ay leeyihiin Ciidanka Badda ee Turkiga

Imaanshaha maraakiibta dagaal ayaa kusoo aadeyso xili dowlada Fedaraalka Soomaaliyeed ay muhiimad gaar ah siinayso dhismaha iyo Tayaynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha XDS

 

Soo dhaweyntaana waxaa qayb ka ahaa Wasiiru dowlaha Dekeda iyo Gaadiidka Badda X.F.S, Kaaliyaha Guud Ciidanka XDS, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Ciidanka XDS, Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiyo Soomaaliya iyo Saraakiil kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here