spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Maxay tahay sabata mucaaradka laga celiyay xerada Xalane?

Maxay tahay sabata mucaaradka laga celiyay xerada Xalane?

0
10

Jimco 13 Feb 2026 {HMC} Wasaaradda Amniga Gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay warar lagu faafiyay warbaahinta oo sheegayay in masuuliyiin ay kamid yihiin madaxweyne hore Shariif Sheikh Axmed iyo raysal wasaare hore, Maxamed Xuseen Rooble laga celiyay in ay galaan xerada Xalane.

Siyaasiyiinta ayaa ku socday hotel kuyaala garoonka Aadan Cadde oo ay deggen yihiin madaxda Puntland iyo Jubbaland, islamarkaas ay kulamo ku leeyihiin mucaaradka ku jira Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in habraaca garoonka uu dhigayo in wixii ka dambeeya 5:00 galabnimo laga soo galo albaabka loo yaqaan Mariina Gate, isla markaana aan loo oggolayn in ciidan hubeysan lala galo gudaha garoonka.

Wasaaradda ayaa tilmaamtay in habeenkii xalay ay dhacday arrin la xiriirta masuuliyiin hore oo la sheegay inay ku xadgudbeen nidaamkaas, kaddib markii ay gudaha garoonka la galeen ciidamo tiro badan, isla markaana ay adeegsadeen albaab aan ahayn midka loo asteeyey in habeenkii la isticmaalo.

Sida lagu sheegay warka, tallaabadaas ayay wasaaraddu sheegtay in ay halis gelin karto amniga iyo badqabka garoonka, ayna jebineyso habraacyada rasmiga ah ee sugidda amniga.

Wasaaraddu waxay sheegtay in aanay jirin masuuliyiin hore oo si toos ah loogu diiday gelitaanka garoonka, balse ay jireen kuwo aan oggolaan inay u hoggaansamaan habraaca amniga ee u degsan garoonka.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan shuruucda iyo habraacyada amniga si loo xaqiijiyo badqabka garoonka iyo muwaadiniinta.

Si kastaba ha ahaatee, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay soo saarayaan war-saxaafadeed ay uga jawaabayaan dhacdadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here