spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Raysal Wasaaraha Somaliya oo sheegay in DFS ka ay diyaar ...

Raysal Wasaaraha Somaliya oo sheegay in DFS ka ay diyaar utahay gogosha wada hadal ee ay fidisay.

0
9

Jimco 13 Feb 2026 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay gogosha wada hadalka, islamarkaana ay mar walba fidsan tahay, isagoo sheega in albaabku u furan yahay dhammaan dhinacyada siyaasadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hadalkan sheegay kaddib kulan uu xalay la yeeshay xubno uu ka mid yahay raysal wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble oo ku jira siyaasiyiinta ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagu sheegay in looga hadlay xaaladaha ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira gogosha wadahadalka ee u dhaxeysa dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.

Xamse ayaa sidoo kale xusay baahida loo qabo mideynta dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha Khawaariijta, iyo in si wadajir ah looga hortago faragelinta dibadeed ee lagu sameeyo dalka.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ay cambaareeyeen waxa ay ku tilmaameen is-hortaag ay ciidamada ammaanku ku sameeyeen Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.

Labadan mas’uul ee hore ayaa la sheegay in laga hor istaagay kulan ay Golaha Mustaqbalka xalay ku la haayeen Hotel Airport oo ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaas oo looga arrinsanayay diyaar garowga wada xaajood la filayo inuu dhex maro Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Golaha Mustaqbalka waxay sheegeen in ay ka go’an tahay ka qeybgalka wada hadallada lagu jaangoynayo jihada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan sidii heshiis loo dhan yahay looga gaari lahaa hannaanka doorashada dalka, loogana baaqsan lahaa firaaq dastuuri ah iyo khilaaf siyaasadeed oo daba dheeraada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here