Jimco 13 Feb 2026 {HMC} Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ku booriyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay xoojiso wadahadal loo dhan yahay oo ay la yeelato dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah iyo daneeyayaasha kale, si loo adkeeyo midnimada siyaasadeed iyo dadaallada xasillinta dalka.
Bayaan kasoo baxay Golaha Nabadda Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in khilaafaadka iyo kala aragti duwanaanshaha ka jira maamulka dalka ay caqabad ku yihiin dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay dib u dhigayaan dadaallada lagu dhisayo dowladnimo waarta.
Golaha Nabadda wuxuu ku baaqay in la abuuro hannaan wadatashi oo furan, daahfuran, kana tarjumaya danaha dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee dalka.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in wada shaqeyn dhow oo u dhaxaysa dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ay muhiim u tahay sugidda amniga, hirgelinta dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, iyo horumarinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.
Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyay dhammaan daneeyayaasha inay muujiyaan tanaasul siyaasadeed iyo is-qadarin, si loo gaaro heshiis qaran oo horseeda xasillooni iyo midnimo waarta.
Hadalka ka soo baxay Golaha Nabadda Midowga Afrika ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho la filayo inuu wada hadal uga furmo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, si ay heshiis uga gaaraan Doorashooyinka soo socda ee dalka iyo wax ka baddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.
Mucaaradka ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka in aysan diyaar u ahayn wada hadal dhab ah, islamarkaasna waxay madaxweynaha ku eedeeyeen inuu doonayo inuu kursiga iska sii joogo, taasoo ay sheegeen in ay sababi karto qalalaase siyaasadeed oo dalka dib u celin kara.






