spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Wafdi u hoggaaminayo Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa maanta soogaray Muqdisho.

Wafdi u hoggaaminayo Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa maanta soogaray Muqdisho.

0
17

Jimco 13 Feb 2026 {HMC}   Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta u qaabilsan Waxbarashada, Dhaqanka iyo Cilmiga, Dr. Maxamed Walac Acmar iyo xubno kale oo katirsan ururkaas.

Ujeedka safarkooda Muqdisho waa sidii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya isaga kaashan lahaayeen horumarinta Luuqadda Carabiga ee Goobaha Waxbarashada Dalka sida ay xaqiijiyeen xunbo katirsan Mas’uuliyiintaan iyo ilo ku dhow.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo soo dhaweeyay ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay wadahadlayaan wafdigaan Jaamacadda Carabta ka socda.

Safarkooda ayuu tilmaamay in uu kusoo beegmay iyada oo 52 sano laga joogo markii ay Soomaaliya ku biirtay Ururka Jaamacadda Carabta, waxa uu xusay in ay dhankooda diyaar u yihiin wadahadallada wafdigaan ay doonayaan.

“Maanta waxaan Muqdisho ku soo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta u qaabilsan Waxbarashada, Dhaqanka iyo Cilmiga oo soo gaaray Dalka, maalmaha soo socda waxa aan kawada hadli doonnaa sidii kor loogu qaadi lahaa luuqadda carabiga iyo Waxbarashad Soomaaliya” ayuu yiri, Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here