spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Mareykanka oo Bartilmaameedsanaayo Sadax goobood oo Muhiim u ah IIraan, si loo...

Mareykanka oo Bartilmaameedsanaayo Sadax goobood oo Muhiim u ah IIraan, si loo wiiqo awoodda Iiraan.

0
7

Jimco 13 Feb 2026 {HMC} Sida uu goor dhow baahiyay Wargeyska New York Times warbixin la xiriira dhaq-dhaqaaqyada Dowladda Mareykanka ee ku wajahan Dowladda Iiraan.

Warbixintu waxay sheegtay in Wasaaradda Dagaalka Mareykanka (Pentagon) ay hadda kordhinayso ciidankeeda ku sugan gobolka, gaar ahaan maraakiibta dagaalka iyo kuwa xambaara diyaaradaha, si ay u xoojiso joogitaankeeda milatari.

Sidoo kale, Pentagon-ku wuxuu madaxweyne Trump u gudbiyay liis bartilmaameedyo suurtagal ah.

Weerarrada uu Mareykanka ku qaadi karo Iiraan, markan kuma koobnaan doonaan kaliya bartilmaameedyada xarumaha nukliyeerka, balse waxaa qeyb ka noqonaya;

•Kaydka Gantaallada ridada dheer ee Iiraan.

•Goobaha laga rido gantaallada iyo warshadaha sameeya hubkaas.

Ujeeddadu waa in la wiiqo awoodda Iiraan si aysan u helin fursad ay kaga jawaabto haddii la qaado tallaabo milatari.

Warbixintu waxay kaloo sheegtay in mid ka mid ah ikhtiyaarrada la tixgelinayo uu yahay in la diro ciidamo gaar ah oo tababar sare leh, si ay hawlgallo gaar ah uga fuliyaan gudaha Iiraan. Ciidamadan waxaa loo diri karaa inay beegsadaan xarumo si adag loo ilaaliyo oo aan si fudud gantaallo u gaari karin, iyo sidoo kale meelaha laga hago ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan.

Si kooban, warbixintu waxay muujinaysaa in qorshayaasha Mareykanku aysan ku koobnayn hanjabaad hadal ah oo keliya, balse ay jiraan diyaargarowyo muuqda oo milatari oo la sii wado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here