isniin 16 Feb 2026 {HMC} Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Tanzania ayaa si rasmi ah u kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku saabsan iskaashiga maareynta arrimaha socdaalka, kaas oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.
Heshiiska ayaa dhinaca Soomaaliya waxaa u saxiixay Wasiirka Amniga Gudaha, General. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, halka dhinaca Tanzania uu u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Patrobas Paschal Katambi.
Munaasabadda saxiixa waxaa goobjoog ka ahaa madaxda hay’adaha socdaalka ee labada dal, Mustafa Duhulow iyo Dr. Anna P. Makakala.
Heshiiskan ayaa diiradda saaraya fududeynta isu-socodka muwaadiniinta, xoojinta iskaashiga amniga iyo kor u qaadidda ganacsiga. Sida ku cad qodobada lagu heshiiyay, muwaadiniinta sita baasaboorrada diblomaasiga iyo kuwa shaqaalaha dowladda ayaa laga dhaafay dal-ku-galka (visa), halka muwaadiniinta wata baasaboorrada caadiga ah ay 24 saacadood gudahood ku heli doonaan dal-ku-gal.
Mas’uuliyiinta labada dal ayaa sheegay in heshiiskan uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo iskaashiga gobolka iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, gaar ahaan dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Sidoo kale, waxaa si gaar ah loogu mahadceliyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Amb. Ilyaas Cali Xasan, iyo shaqaalaha safaaradda, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay hirgelinta iyo miro-dhalinta heshiiskan.
Heshiiskan cusub ayaa la filayaa inuu sare u qaado isu-socodka ganacsatada iyo shacabka, isla markaana xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.






