spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Madax Dhaqameedka Gobolka Awdal oo Joojiyay Wada-shaqayntii Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland.

Madax Dhaqameedka Gobolka Awdal oo Joojiyay Wada-shaqayntii Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland.

0
3

Isniin 16 Feb 2026 {HMC} Guddida Dhaqanka Beelaha Gobolka Awdal ayaa beeniyay in lasoo xidhay nabada beelaha wada daga Awdal iyo Salal sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland 14-02-2026.

Guddidu waxay sheegtay in ay bulshadu si weyn uga walaacsan tahay hadallada ka soo yeedhay wasiirka, iyaga oo ku tilmaamay kuwo marin-habaabin ah oo aan ka turjumayn xaqiiqada ka jirta deegaannada ay colaaduhu ka dheceen.

War-saxaafadeedka guddida ayaa lagu sheegay in wasiirku ku andacooday in colaaddii ka taagnayd deegaannadaasi la dhammeeyay, hase ahaatee ay taasi ka fog tahay xaqiiqada dhabta ah, maadaama ay labada maalmood ee ugu dambeeyay halkaas ka dhaceen dagaallo culus oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Guddidu waxay ka biyo-diiday eedeyn ay sheegeen in wasiirku uu dusha ka saaray dhinaca beelahooda, taas oo uu ku sheegay in ay sabab u ahaayeen colaadaha.

Guddidu waxay arrintaas ku tilmaantay mid aan sal lahayn, isla markaana ka hor imanaysa wada noolaanshaha iyo nabadda bulshada deegaanka.

“Wasiirku waxa uu si cad aan oo badheedh ah u aflagaadeeyay madax-dhaqameedka beelaha Gadabuursi oo uu ku sheegay dagaal-oogayaal nabada diidan, arrintaana waxa aanu ka leenahay wasiir way kaa hoostay ee waxa aad illoowday in madax-dhaqameedka reerku ay yihiin kuwa dhaliyay ee keenay nabadda iyo quruxda aad wasiirka ku tahay.”

Geesta kale, guddidu waxay sheegtay in hadallada wasiirku ay muujinayaan isbeddel ku yimid mowqifkiisii hore, iyaga oo xusay in ay hore u jireen dadaallo nabadeed oo ay wada wadeen madax-dhaqameedka iyo masuuliyiinta xukuumadda.

Ugu dambeyn, Guddida Dhaqanka Beelaha Gadabuursi waxay ugu baaqday bulshada iyo dowladda Somaliland in si wadajir ah loogu hawlgalo nabad waarta iyo xallinta khilaafaadka jira, iyaga oo sidoo kale ku adkeeyay in la ilaaliyo wada shaqeynta iyo xasilloonida guud ee gobolka.

Guddidu waxay caddeysay in ay sii wadi doonaan doorkooda nabadeynta iyo ilaalinta midnimada bulshada.

“Waxa aanu bulshadayada iyo dawladda Somaliland-ba u caddaynaynaa in aanu si ku meel-gaadh ah u joojinay wada shaqeyntii aanu la lahayn wasiirka arrimaha gudaha, maadaama oo uu wasiirku ka baxay xeyndaabkii dawladnimo. Sidoo kalena uu lumiyey dhex-dhexaadnimadii.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here