spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS DFS oo si rasmi ah u dhaqan gelisay nidaamka cusub ee Electronic...

DFS oo si rasmi ah u dhaqan gelisay nidaamka cusub ee Electronic Travel Authorisation (ETA).

0
9

Talaado 16 Feb 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dhaqan gelisay nidaamka cusub ee Electronic Travel Authorisation (ETA) laga bilaabo 15-ka Febraayo 2026, kadib qorshe hore oo loo shaaciyay in la hirgelinayo dabayaaqadii sanadkii 2025.

Nidaamkan ayaa si buuxda u xakameynaya socdaalka rakaabka u duulaya ama ku wajahan Soomaaliya, wuxuuna ka shaqeynayaa dhammaan garoomada caalamiga ah ee dalka, oo ay ku jiraan Muqdisho, Hargeysa, Garowe iyo Boosaaso.

ETA-da cusub ayaa si toos ah ugu xiran nidaamka shirkadaha diyaaradaha ee Departure Control System (DCS) iyo nidaamka xog is-weydaarsiga rakaabka ee API/PNR, sida ay muujinayaan dukumiintiyo ay aragtay Inside Somalia.

Marka nidaamkan la hawlgeliyo, lama oggolaan doono in rakaab loo saaro diyaarad ku socota guud ahaan Soomaaliya, haddii uusan horey oggolaansho uga haysan nidaamka ETA ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Taas macnaheedu waa in shirkadaha diyaaradaha aysan soo saari karin “boarding pass” ilaa oggolaanshaha laga xaqiijiyo nidaamka dowladda.

Nidaamkan cusub ayaa dowladda siinaya awood ay ku aragto xogta socdaalayaasha, oo ay ka mid yihiin:

Magaca buuxa, taariikhda dhalashada iyo faahfaahinta baasaboorka Taariikhda safarka iyo fiisayaasha hore Faahfaahinta tigidhka iyo goobta uu ku socdo rakaabku E-visa qof kasta wuu ku safri karaa marka la siiyo, balse ETA kaliya waxaa safri kara qofka ay si gaar ah u oggolaato Hay’adda Socdaalka ka hor duulimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here