Arbaco 18 Feb 2026 {HMC} Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) oo bilaabay cunto qaybintiisii Ramadaanka ee sanadlaha ahayd ayaa gaarsiiyay ku dhawaad 5,000 oo ah maxaabiis ah, kuwaas oo ku xiran 11 xabsi oo ku yaala gudaha dalka
ICRC ayaa dhammaan maxaabiista gaarsiiyay xirmooyin loogu talagalay in ay ku afuraan xilliga Ramadaanka, halka maamulka Xabsida lagu wareejiyay cuntooyinka aasaasiga ah oo ay ku si loogu taageero diyaarinta cuntada inta Ramadaanka lagu jiro
“Bixinta taageerada Ramaadaanku waxay inoo noqotay caado la jecleysto. Waa tallaabo ka tarjumeysa sida ay nooga go’antahay hubinta in dhammaan dadka xorriyadda laga qaaday loo la dhaqmo si bini’aadamnimo, sharaf iyo ixtiraam leh,” ayuu yiri Antoine Grand, madax Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayta Cas ee Soomaaliya
ICRC ayaa sheegtay in ay si dhaw ula shaqeenayaa masuuliyiinta xabsiyada si loo hagaajiyo xaaladaha nololeed iyo la macaamilka maxaabiista. sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Hay’adda.
Sanadka 2025, ICRC waxay 56 booqasho ku tagtay 20 xabsi oo dalka oo dhan ah iyada oo booqatay 5,102 maxaabiis ah, kuwaa oo 566 ka mid ah si gaar gaar ah xaaladooda loo la socday.
ICRC ayaa in ka badan 700,000 oo maxaabiis ah ku booqataa in ka badan 670 xabsi adduunka oo dhan. Booqashooyinka xabsiyada Soomaaliya ayaa bilowday sanadkii 1977, sida lagu xusay warsaxaafadeed ka soo baxay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas.






