spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Somaliland oo si adag ugu jawaabtay Erdogan kadib markii uu weeraray aqoonsigii...

Somaliland oo si adag ugu jawaabtay Erdogan kadib markii uu weeraray aqoonsigii ay Israel ka heleen.

0
9

Arbaco 18 Feb 2026 {HMC}  Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland ayaa si adag ugu jawaabtay madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan kadib markii uu weeraray aqoonsigii ay Israel ka heleen.

Isagoo booqasho ku jooga Addis Ababa, ayuu Erdogan isagoo uu garab taaganyahay Abiy Axmed ka yiri Somaliland:“Wax faa’iido ah aqoonsigaasi idiinma laha idinka iyo geeska Afrikaba.”

Waxa uu sheegay in ‘Dhibaatooyinka gobolka ay xalliyaan dalalka gobolka degani. Awoodaha Shisheeyena ay rabaan inay aag dgaaal u bedelaan geeska Afrika.

Somaliland ayaa si degdeg ah iyana uga jawaabtay hadalkaas Erdogan. War-saxaafadeed ka soo baxay Somaliland ayay ku tilmaameen hadalada Erdogan faragelin aan la aqbali karin.

Somaliland waxay si adag u sheegtay in go’aamada siyaasadda dibadda ay gaadhaan dawladaha iyo shacabka maxalliga ah, iyagoo Turkiga xusuusiyay inay ixtiraamaan is-qadarinta, oo aan la iska faragelin, go’aamada madax-bannaanida la xiriira.

Waxay sidoo kale xuseen in dadaallada Somaliland ee aqoonsiga iyo xiriirka caalamiga ahi ku qotomaan nabadgelyo iyo sharci, islamarkaana ay ku saleysan yihiin himilooyinka dimuqraadiyadda dadkeeda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here