Arbaco 18 Feb 2026 {HMC} Hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa maanta shaqada ka joojisay ugu yaraan toddobo diyaaradood oo sameyn jiray duulimaadyo gudaha ah, kuwaasoo inta badan ka diiwaangashanaa dalka Malawi ee bariga Afrika ,
sabab la xiriirta badqabka diyaaradahan oo loo arkay inay wajahi karaan cilado khatar galin kara rakaabka, si ay duulimaadkooda dib ugu billaabaan , waxaa lagu xiray shirkadaha adeegsada inay dib u xaqiijiyaan badqabka diyaaradahan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan garoonka diyaaradaha Muqdisho oo tilmaamay in hay’adda duulista rayidka ay bilowday baaritaanno lagu oggaanayo badqabka guud ahaan diyaaradaha ka shaqeeya gudaha Soomaaliya , si looga fogaado khatarro halis galin kara rakaabka.
Go’aankan ayaa ka dhigan tiradii ugu badnayd ee diyaaraddo ka shaqeeya gudaha Soomaaliya oo hal mar shaqada laga joojiyo, xilli inta badan cabashooyin laga soo gudbin jiray diyaaradaha ay adeegsadaan shirkadaha duulimaadyada maxalliga ah oo loo arko kuwa waqti dheer shaqeynayay oo halis galinaya badqabka rakaabka.






