spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Soomaaliya oo dalab laxariira Muslimiinta ugudbisay Israa’iil.

Soomaaliya oo dalab laxariira Muslimiinta ugudbisay Israa’iil.

0
12

Khamiis 19 Feb 2026 {HMC} Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Baalle, oo ka qayb galay kulan xasaasi ah oo ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha Ammaanka ee QM, ayaa ku baaqay in Israa’iil ugu baaqay in ay ka fogaato wax kasta oo dhibaato ku ah Shacabka Falastiiniyiinta.

Danjire Baalle ayaa carrabka ku adkeeyay in Muslimiinta caalamka iyo kuwa ku nool dhulka Falastiin loo oggolaado inay si nabad ah ku tagaan Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa, isagoo ka digay xayiraad kasta oo caqabad ku noqon karta gudashada waajibaadkooda diiniga ah.

Danjiraha ayaa sidoo kale fariin toos ah u diray dowladda Israa’iil, isagoo ugu baaqay inay fududeeyaan isu-socodka dadka doonaya inay ku cibaadeystaan gudaha Masjidka, isla markaana ay mas’uuliyad iska saaraan ilaalinta nabadgelyada shacabka.

“Waxaan ugu baaqeynaa Israa’iil in dadka Muslimiinta ah ee cibaadeysanaya loo oggolaado in ay si nabad ah ku tagaan Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa, sidoo kale waa in la ilaaliyaa shacabka,” ayuu sii raaciyay Danjiraha.

Hadalkan ka soo yeeray Danjire Abuukar Baalle ayaa ku soo beegmaya xilli kumanaan Muslimiin ah ay booqdaan Masjidka Al-aqsa oo ah goobta saddexaad ee ugu barakada badan Muslimiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here