Khamiis 19 Feb 2026 {HMC} Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maanta si rasmi ah uga furmo shirka wada-tashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa shirka furidoona shirka, iyadoo marka hore diiradda lagu saari doono qiimeynta xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo hannaanka doorashooyinka.
Sida aan xogta ku helay, bilowga wada hadalka waxaa laga qeyb galin doonaa wakiillada bulshada rayidka ah, si ay aragtidooda ugu darsadaan wada xaajoodka Dowladda iyo mucaaradka.
Shirka oo la filayo inuu dhowr maalmood socdo ayaa la filayaa in si rasmi ah loo dejiyo ajandaha qodobbada weli la isku mari la’yahay, si wada-hadalladu u yeeshaan jihayn cad iyo jadwal qeexan.
Dowladda iyo mucaaradka ayaa laga filayaa inay dabac sanaan iyo tanaasul ka muujiyaan qodobada la isku hayo, si uu shirka u miro-dhalo.
Talaadadii doraad ayay ahayd markii la gaaray is-afgarad ku saabsan qabsoomidda shirka wada-tashiga ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbahaysiga Mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo lagu qaban doono xarunta Madaxtooyada Qaranka.
Golaha Wadatashiga ayaa aqbalay codisga ka yimid madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ah in shirku ka dhaco xarunta madaxtooyada dalka iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dabacsanaan iyo tanaasulaad si loo abuuro jawi wada-hadal oo rasmi ah.
Wasiirka caddaaladda Xasan Macalin oo ah guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka ayaa maalin ka hor warbaahinta ka sheegay in qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah ay weli tahay mudnaanta koowaad ee dowladda, xilli ay muddo xileedka dowladdu ka harsan yahay wax ka yar 3 bil.






