Khamiis 19 Feb 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA), Sarreeye Guuto Ibrahim Mohamed Mohamud, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC) ahna Madaxa Hawlgalka Xasillinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene, oo uu wehlinayay Taliyaha Ciidamada AUSSOM, Sarreeye Gaas Sam Kavuma.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kor-u-qaadista is-dhaafsiga xogaha sirdoonka, dardargelinta barnaamijyada tayeynta iyo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, iyo qorshaha la-wareegidda Ciidanka Soomaaliyeed ee mas’uuliyadaha amniga.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu sugayo amniga dalka, isaga oo xusay in CXDS ay ka go’an tahay hoggaaminta hawlgallada lagu xoreynayo dhulka ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab, islamarkaana la xaqiijiyo amni waara.
Dhankooda, mas’uuliyiinta AUSSOM ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo xoojiyo xasillinta dalka iyo gaarista himilooyinka amni ee muddada fog.






