spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Muxu yahay Heshiiska ay Kala Saxiixden Soomaaliya iyo Sacuudiga ?

Muxu yahay Heshiiska ay Kala Saxiixden Soomaaliya iyo Sacuudiga ?

0
19

Jimc 20 Feb 2026 {HMC} Hay’adda Guud ee Gaadiidka Sacuudiga ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa heshiis iskaashi la saxiixatay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, si loo xoojiyo wada shaqeynta dhinaca daabulka rakaabka iyo badeecadaha maraakiibta.

Heshiiskan ayaa lagu doonayaa in lagu fududeeyo isu socodka maraakiibta ganacsiga ee u kala goosha labada dal, isla markaana lagu hormariyo isku xirka dekedaha iyo marin-biyoodka caalamiga ah, taas oo sare u qaadaysa xiriirka dhaqaale iyo ganacsi ee ka dhexeeya labada waddan.

Qodobada Heshiiska waxaa ka mid ah, In la fududeeyo dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga, In la xoojiyo isku xirka badda iyo habsami u socodka howlaha maraakiibta, In la is dhaafsado khibrado iyo aqoon farsamo oo ku saabsan maareynta gaadiidka badda iyo sidoo kale In la kordhiyo hufnaanta iyo tayada adeegyada daabulka rakaabka iyo xamuulka.

Heshiiska waxaa dhinaca Sacuudiga u saxiixay Wasiirka Gaadiidka iyo Adeegyada Saadka, Injineer Saalaax bin Naasir Al-Jaasir, halka dhinaca Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka kala socday labada dhinac.

Mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay in heshiiskan uu furayo bog cusub oo iskaashi istiraatiiji ah, islamarkaana uu door muhiim ah ka qaadan doono kobcinta ganacsiga, maalgashiga iyo isku socodka badeecadaha ee u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here