Jimco 20 Feb 2026 {HMC} Trump ayaa wajahaya cadaadis gudaha , iyadoo hadda maxkamada Mareykanka ay iskudayayaan inay xakameeyaan baaxada awoodda uu adeegsanayo, tallaabada u horreysa waxaa la doonayaa in gacantiisa laga saaro awoodda u sarreysa ee dunidda u adeegsanayo oo ah canshuuraha, taa oo qalqal ka dhex abuurtay Mareykanka iyo xulafadiisa.
CNN, oo ka warramaysa xaaladda uu saakay wajahay Trump ayaa sheegay inuu nacalad iyo aflagaado kala daalay maxkamadaha ku mashqulsan inay awoodiisa xakameeyaan, iyadoo xataa warbaahinta Mareykanka ay markii u horreysa si cad u baahinayso inuu Trump kala kulmayo burbur gudaha Mareykanka.
Laakin wax kasta gudaha Mareykanka ugama socdaan si toosan, gaar ahaan marka la tixraaco cadaadis kasta oo gudaha looga furo Trump, waxaa ugu dambeyn la arkaa isagoo qaadanaya go’aamo uu ka war wareegan jiray.
Markii muddo ay miiskiisa saarnaayeen faylal ay diyaariyeen Pentagon-ka oo la xiriiray howlgalkii Venezuela, waxa gudaha looga furay mudaharaadyo ka dhan ah howlgalkii ICE ay ka waday gobollada ay ku badanyihiin dadka soogalootiga ah, waxaana si fudud loo burburiyay qorshihiisa ka dhanka ahaa soogalootiga, tani waxay ku qasabtay inuu saxiixo howlgalkaa oo la fuliyo, ka dib waxaa dhacay shirkadaha Mareykanka ee shidaalka inay la wareegaan goobaha shidaalka ee Venezuela.
Mareykanka wuxuu leeyahay taariikh ah inay dhacdooyinka qaar ku lug yeeshaan shirkadaha, taariikhda marka dib loo raaco badanaa dagaallada uu Mareykanka qaaday in ka badan arrimo siyaasadeed waxaa ku dhex jirtay ganacsi, tusaale ahaan faylasha Epstein, waxaa lagu arkay inta uusan dhicin kacdoonkii Liibiya ee Mareykanka uu hoggaaminayay inay diyaariyeen shirkaddo ganacsi oo Mareykan ah, kuwaasoo doonayay inay la wareegaan hantida hoggaamiyihii Liibiya ee Muammar Gaddafi. Arrinta Liibiya waa iskudarka doonista shirkadaha Mareykanka iyo Israa’iil oo ka hortagaysay hamiga Gaddafi oo raadinayay nukliyeer iyo isku xirka awood ka dhan ah Israa’iil.
Mar kale , isla xaaladdaa oo kale waxay ka taagantahay bariga dhexe , waxay shirkadaha Mareykanka doonayaan in la joojiyo hilitaanka Shiinaha ee shidaalka qiimahaa jaban oo Iiraan uu ka qaato, tartan awoodeed oo la xiriirta dheellitirka bariga dhexe illaa Israa’iil oo dooneysa in meesha laga saaro nidaamka kacaan, tab iyo xaalad kastana u mareysa in Mareykanka uu ku lug yeesho isbeddel nidaam oo ka dhaca Iiraan.
Markii ay maxkamadda sare ay maanta digniin siisay Trump ,wax u muuqday in loo sheegayo ; “ Ma joogtid xaruntaada ganacsi.” Waxa xigayna ay ahayd wararka lagu qubay warbaahinta Mareykanka, waxaa soo baxay Trump, oo oggolaaday inuu sheego waxa laga doonayo oo ah ; “ Mareykanka wuu weerarraya Iiraan.”
Ma cadda Trump, inuu dedejin doono duullaan lagu qaado Iiraan,xilli waaxda dagaalka Mareykanka ee Pentagon-ka ay toddobaad ka hor u gudbisay qorshaha weerar uu Mareykanka ka fulin karo gudaha Iiraan. Aan sugno saacadaha iyo maalmaha ina soo aadday oo xaqiijin kara jihada uu qaado Trump.






