Sabdi 21 Feb 2026 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay qirtay in ciidamadiisa ay dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan ku dileen dad rayid ah, sannadihii ay ciidmadiisa ku sugnaayeen dalalkaas.
Safiirka Mareykanka ee ISRL Mike Huckabee oo dhawaan bixiyay wareysi ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay ku dileen tiro rayid ah oo ka badan inta ay dileen ciidamada ISRL ee Gaza, marka la barbardhigo hawlgalladii ka dhacay Ciraaq iyo Afgaanistaan.
Hadalkaas ayaa yimid xilli ay weli taagan tahay dood caalami ah oo ku saabsan khasaaraha rayidka ee dagaallada ka dhacay Iraq iyo Afghanistan, iyo sidoo kale howlgallada militari ee ISRL ka wado Gaza.






