spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Mareykanka oo farriin cad u Diray DFS iyo Golaha Mustaqbalka ,...

Mareykanka oo farriin cad u Diray DFS iyo Golaha Mustaqbalka , Ismariwaaga Siyaasadeed oo Weli kadhaxtaagan.

0
15

isniin 23 Feb 2026 {HMC} Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa war adag kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee cakiran, kaddib markii uu natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii u dhexeeyay dowladda federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Qoraal lagu daabacay bogga X ee safaaradda ayaa lagu yiri: “Wada-hadalka iyo tanaasulka waa adag yihiin laakiin lama huraan, waxaana ku boorinaynaa hoggaanka Soomaaliya inay sii wadaan dadaalladaas, Geeddi-socod siyaasadeed oo mideysan ayaa la dagaallama argagixisada, xoojiya maamulka, isla markaana horumar u horseeda Soomaaliya iyo beesha caalamka.”

Safaaradda ayaa si cad u muujisay in wada-hadalka iyo tanaasulka ay yihiin lama huraan, inkastoo ay adag yihiin, isla markaana ay muhiim u yihiin xasilloonida iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Saacadihii hore ee saakay, hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa yeeshay kulamo gaar ah oo ay kaga tashanayeen tallaabada xigta, kaddib burburkii wada-hadalladii ka dhacay Villa Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ergo u diray Golaha, si loo sii wado wada-xaajoodyada loogana baaqsado in warbaahinta loo shaaciyo is-afgaranwaaga jira, Ergadaas ayaa la sheegay inuu ka mid yahay Wasiirka Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo kulamo la qaatay qaar kamid ah madaxda mucaaradka.

War-saxaafadeedka Mareykanka ayaa imaanaya xilli cadaadis gudaha iyo dibadeedba uu sii kordhayo, iyadoo beesha caalamka ay ka walaacsan tahay in khilaafka siyaasadeed uu dib u dhigo geeddi-socodka doorashooyinka iyo dib-u-habeynta dastuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here