spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Itoobiya oo weli gargaar ka raadinaysa caalamka ayaa qalalaase ka abuuraysa gobolka.

Itoobiya oo weli gargaar ka raadinaysa caalamka ayaa qalalaase ka abuuraysa gobolka.

0
10

Isniin 23 Feb 2026 {HMC} Dowladda Eritrea ayaa ku eedeysay Itoobiya inay hurinayso xasillooni darro ka dhalata Geeska Afrika, xilli ay weli gargaar dhaqaale ka dalbanayso Hay’adah Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF iyo deeq-bixiyeyaasha kale ee caalamiga ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Asmara ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay wajahayo xaalad dhaqaale oo adag, iyadoo in ka badan 21 milyan oo qof lagu tilmaamay inay ku nool yihiin saboolnimo aad u daran, isla markaana ay si weyn ugu tiirsan yihiin gargaarka bani’aadannimo ee caalamiga ah si ay u sii noolaadaan.

Eritrea waxay sidoo kale caddeysay in mas’uuliyadda amniga Badda Cas ay gaar u tahay dalalka leh xeebaha, kuwaas oo ay sheegtay inay damaanad qaadaan xasilloonida marin-biyoodkaasi istaraatiijiga ah.

Waxay intaas ku dartay in madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka Geeska Afrika ay yihiin arrimo lama taabtaan ah oo aan u baahnayn faahfaahin dheeraad ah.

Dhanka kale arrintan ayaa imanaysas xili Dowlada Itoobiya ay hawada u marisay fariin hanjabaad ah oo ku socotay Eritrea, iyadoo ciidankeeda ay soo bandhigeen boodh ay ku qoran tahay:

“Na jeclaw ama na necboow, masii ahaan doono bad la’aan,” taasoo muujinaysa mowqifka Addis Ababa ee ku aaddan raadinta marin badeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here