spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Sidee ayay u saamayn kartaa Soomaaliya Xiisadda u dhaxeeyso Dalalaka Itoobiya iyo...

Sidee ayay u saamayn kartaa Soomaaliya Xiisadda u dhaxeeyso Dalalaka Itoobiya iyo Eriteriya.?

0
36

Arbaco 25 Feb 2026 {HMC} Asmara ayaa iyada oo ka falcelinaysa bandhig milatari oo toddobaadkii hore ay Addis Ababa qabatay iyo hadallo ay mas’uuliyiinta dalkaasi ka jeediyeen munaasabaddaas, waxay sheegtay in arrintaasi uu yahay “xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee deriska iyo dalalka gobolka.”

Wasiirka Warfaafinta, Yemane Gebremeskel, ayaa jawaab uu bixiyay ku sheegay in hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ahaa “mid sun ah oo kicin ah.”

Abiy Axmed ayaa 22-kii bishan khudbad uu jeediyay ku sheegay in dalkiisu awooddiisa millatari u kala wareejiyay “min tababar dhul ilaa tababar badeed,” isla markaana uu ilaalin doono marin-badeedka gobolka oo ku teedsan Soomaaliya ilaa dekedda Casab ee Ereteriya.

Abiy, oo ka hadlayay xus gaar ah oo 65 sano ah oo ka dhacay magaalada Hawassa ee gobolka Sidama, ayaa sidoo kale tilmaamay in Itoobiya dhistay “ciidan gaar ah” oo burburin kara bartilmaameedyo iyada oo adeegsanaysa diyaarado aan duuliye lahayn (drones) nooca kamikaze.

Hadalladan is dhaafsiga ah ayaa imanaya xilli xiisad ka dhex aloosan tahay Itoobiya iyo Ereteriya sababo la xiriira dalabka soo noqnoqda ee Addis Ababa ee ku aaddan helitaanka marin-badeed madaxbannaan, iyo sidoo kale xiisad u dhaxaysa dowladda federaalka Itoobiya iyo TPLF.

“Ujeedkeenna waa dhisidda ciidan gaar ah oo ka hortaga dagaal isla markaana soo afjara dagaal… Itoobiya lama cabsi gelin karo mana la cabsi gelin doono,” ayuu yiri Abiy.

“Diyaargarowgeennu guud ahaan wuxuu ku wajahan yahay xaqiijinta nabadda iyo barwaaqada Afrika, iyo in aan taageero iyo garab u noqonno dalalka gobolkeenna. Si taas loo fuliyo ayaanu tababarkii milatari uga wareejinnay dhulka una wareejinnay badda,” ayuu raaciyay.

Wasiir Yemane oo qoraal ku baahiyay barta X, ayaa sheegay in “mas’uuliyadda sugidda amniga Badda Cas ay saaran tahay oo ay khusayso dalalka ku teedsan.”

Mas’uulka Ereteriyaanka ah ayaa sidoo kale isku dayay in hadalka Abiy la barbardhigo hadal uu laba sano ka hor jeediyay madaxweyniha gobolka Oromiya, Shimelis Abdisa, oo sheegay in “sannadka soo socda aan ku dabaaldegi doonno Ciidda Irreecha Badda Cas.”

“In kasta oo xaaladda caalamku tahay mid adag oo aan degganayn, islamarkaana cadaadisyadu sii kordhayaan, xisbiga Barwaaqo wuxuu aamminsan yahay in uu si buuxda u jebin karo shuruucda caalamiga ah,” ayuu yiri.

Warbixinnada ayaa sheegaya in sannadihii u dambeeyay iyadoo xiriirkii dhowaa ee ka dhaxeeyay Addis Ababa iyo Asmara uu daciifay islamarkaana isu beddelay kala fogaansho, ay labada dhinac ku mashquulsan yihiin tababarro millatari oo ballaaran iyo xoojinta hubka.

Waxaa sidoo kale la sheegay in dhaqdhaqaaqyada ay labada dal la sameynayaan kooxaha mucaaradka ah ee midba midka kale ay sii hurinayaan xiisadda.

Mas’uuliyiin Itoobiyaan ah ayaa ku eedeeyay dowladda Ereteriya inay xiriir la sameyneyso TPLF, oo khilaaf kala dhaxeeyo dowladda federaalka, isla markaana ay dhiseyso isbahaysi ka dhan ah Addis Ababa.

Waxay sidoo kale ku eedeeyaan inay xiriir iyo taageero la leedahay maleeshiyaadka Fano ee gobolka Amxaarada.

Xaaladdan ayaa dhalisay walaac weyn oo ku saabsan in labada dal, oo horey u soo maray dagaallo soo noqnoqday, ay mar kale u jiheystaan colaad ba’an.

Waxaa sidoo kale la tilmaamayaa in quwadaha shisheeye ee saameynta ku leh gobolka ay door ku leeyihiin sii hurinta xiisadaha.

Falanqeeyayaal ayaa ka digaya in xiisadda u dhexeysa Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ay ku fidi karto Itoobiya, Ereteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Jabuuti.

Sidoo kale, tallaabada lama filaanka ah ee Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland in ay tahay dal madax-bannaan, iyo arrimaha la xiriira quwadaha shisheeye sida Turkiga oo sii ballaarinaya saamayntiisa gobolka, ayaa muujinaya sida ay arrimuhu u murugsan yihiin.

Xigasho BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here