spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Duqeyn Lagu dilay Xubno ka tirsan Kooxda AS, iyo Warar dheweraad ah...

Duqeyn Lagu dilay Xubno ka tirsan Kooxda AS, iyo Warar dheweraad ah oo ka soo baxaayo.

0
49

Arbaco 25 Feb 2026 {HMC} Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibo caalami ah, ayaa toddobaadkan fuliyay afar howlgal oo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sida lagu sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay Hay’adda, howlgalladaas ayaa lagu dilay in ka badan 23 qof oo NISA ku tilmaantay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo lagu tuhmayay inay qorsheynayeen falal amni-darro ah.

Howlgallada oo ahaa kuwo ka hortag ah ayaa yimid, sida NISA sheegtay, kaddib xog sirdoon oo muujisay in maleeshiyaad lagu abaabulayay deegaannada Waab-weyn iyo Goobo oo hoos taga Maxaas, halkaas oo lagu sheegay inuu hoggaaminayay nin lagu magacaabo Mustaf Caato.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay maleeshiyaad kale oo lagu uruurinayay deegaanka Maxaa Saciid ee Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, NISA waxay sheegtay in howlgal kale lagu burburiyay xero ku taalla Moqokori ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad lagu tilmaamay kuwo ka mid ah unugyada fulinta weerarro qorsheysnaa.

Howlgalladii ugu dambeeyay, oo sida lagu sheegay dhacay xalay gelinkii dambe, ayaa lagu sheegay inay qeyb ka yihiin dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo ka hortagga iyo ciribtirka kooxaha hubeysan, si loo adkeeyo amniga iyo xasilloonida deegaannada ay ka dhaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here