spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Masar oo beenisay in ay Itoobiya kala shaqeynayso sida u helili laheed...

Masar oo beenisay in ay Itoobiya kala shaqeynayso sida u helili laheed bad

0
10

Dowladda Masar ayaa si adag u beenisay warbixin dhowaan uu faafiyay wargeyska The National ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, kaas oo sheegayay in Qaahira ay Itoobiya u soo bandhigtay marin badeed si loogu beddelo tanaasul ay ka samayso muranka Biyo-xidheenka Nile.

Ilo-wareedyo rasmi ah oo ka tirsan xukuumadda Masar ayaa warbixintaas ku tilmaamay mid gebi ahaanba aan sal iyo raad toona lahayn

Masar waxay caddeysay in maamulka iyo amniga Badda Cas ay tahay mas’uuliyad u gaar ah Dalalka Xeebta leh, maadaama uu yahay marin istiraatiiji ah oo si toos ah ugu xiran amniga qaranka ee dalalka xuduudka la leh.

“Ma jiraan dawlado kale (oo aan bad lahayn) oo xaq u leh inay ka qayb qaataan qabanqaabo kasta ama isfaham la xiriira amniga iyo maamulka Badda Cas,” ayay yiraahdeen Saraakiisha ka tirsan Dowladda Masar.

Warbixintii The National ayaa sheegtay in Masar ay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed u soo jeedisay qorshe ay kaga gacan siinayso helitaanka marin badeed iyadoo adeegsanaysa xulafo Afrikaan ah, haddii Itoobiya ay dabacsanaan ka muujiso muranka biyo-xidheenka.

Sidoo kale, wargeyska ayaa sheegay in Masar ay u dirtay Itoobiya digniin dadban oo ah inay adeegsan karto saameynteeda diblomaasiyadeed iyo tan ciidan si ay Itoobiya uga xannibto dekedaha dalalka deriska ah sida Soomaaliya, Suudaan, iyo Jabuuti, haddii ay diiddo dalabkaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa mar kale xoojiyay mowqifkan isagoo sheegay in nidaamka gobolka uusan oggolayn in dalalka badda aan lahayn ay soo farageliyaan maamulka biyaha caalamiga ah.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay taagan tahay xiisad gobolka ah oo salka ku haysa heshiis dhex maray Itoobiya iyo maamulka Somaliland, kaas oo Masar ay si adag uga hortagtay, iyadoo garab istaag u muujisay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here