Khamiis 26 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maqaal ku qoray Jeune Afrique isagoo cambaareeyay aqoonsiga ay Somaliland ka heshay Israa’iil. Waxa uu ku sifeeyay arrintan sidan:
“Ujeeddada Israa’iil waa in ay ka faa’iideysato dhulkan iyadoo wadata ujeedo aan nabad ahayn, waxaana la cabsi qabaa in maamulka Somaliland uu wax walba siin doono Netanyahu si uu u helo aqoonsigan.”
Markii wax laga waydiiyay saldhig militari oo ay Israa’iil ka sameysan karto Berbera, Madaxweyne Geelle waxa uu ku jawaabay: “Taasi waa waxa ugu weyn ee laga baqayo.”
Madaxweyne Geelle ayaa intaa ku daray “Imaaraadku waa hormuudka Israa’iil ee gobolka, waxayna ‘iibiyeen’ aqoonsigan, taasoo keentay in Israa’iil ay ka faa’iideysato.
.Imaaraadku waxay khilaaf ka abuuraan Yemen, Suudaan, Soomaaliya, Chad, Libya, iyo meel kasta oo ay ka hawlgalaan. Jabuuti waxay marwalba u dhowdahay Sacuudi Carabiya, oo xitaa waxa ay siisay saldhig militari.”
Sidoo kale, Madaxweyne Geelle ayaa ka hadlay xiriirka Jabuuti iyo Somaliland, gaar ahaan madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, isaga oo yiri:
“Xiriirku waa qabow. Jabuuti ayaa diiday in ay la kulanto ama telefoon ka qabato Cabdiraxmaan Cirro.
Xadka weli wuu furan yahay, balse duulimaadyadii hawada ee u dhexeeyay Jabuuti iyo Hargeysa waa la hakiyay.
.Falsafada hoggaamiyeyaasha Somaliland muddo 34 sano ah waxaa lagu soo koobay hal war: ‘Haba yaraatee agoonsi aan helno, xitaa haddii ay tahay mid shaydaan.’ Looma baahna in la yiraahdo sidaas, gobolka iyo Soomaaliya in dhib loosoo jiido iskuma raacsana.”
Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka si adag uga horyimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, taasoo ay ku tilmaamtay wax aan la aqbali karin oo ka hor imaanaya midnimada Soomaaliya, axdiga Midowga Afrika, iyo xeerarka caalamiga ah.






