spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Ilhaan Cumar oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha dalka Maraykanka.

Ilhaan Cumar oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha dalka Maraykanka.

0
16

Khamiis 26 Feb 2026 {HMC}  Madaxweynihii dalka Maraykanka, Donald Trump, ayaa mar kale weerar dhinaca afka ah ku qaaday labada Xildhibaan ee ka tirsan Kongareeska Mareykanka ee kala ah Ilhaan Cumar iyo Rashiida Tlaaib.

Qoraal uu bartiisa Truth Social ku baahiyay ayuu labadaasi Xildhibaan ku baaqay in laga tarxiilo dalka Mareykanka, ka dib markii ay ku sheegay in ay ku xadgudbeen sharciga dalkaasi.

“Markaad eegto Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib, oo xalay si aan la xakameyn karin ugu qaylinayay munaasabaddii quruxda badnayd ee State of the Union, iyadoo la ogyahay inay yihiin siyaasiyiin kharriban oo dalkeenna u xun, waa inaan dib ugu celinnaa halkii ay ka yimaadeen sida ugu dhakhsaha badan.” Ayuu yiri Trump.

Xildhibaannadaan ayaa la arkay iyagoo qeylinaya xilli uu Trump jeedinayay khudbad uu uga hadlayay midnimada Mareykanka iyo guudaaha uu gaarey maamulkaasi.

Ilhan Omar, oo ah Soomaali-Ameerikaan, iyo Rashida Tlaib, oo ah Falastiini-Ameerikaan, ayaa ka mid ah xubnaha ugu codka dheer ee Koongaraska Maraykanka, iyagoo mar walba si adag u dhaleeceeya siyaasadaha Trump, gaar ahaan kuwa la xiriira socdaalka iyo xuquuqda aadanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here