Khamiis 26 Feb 2026 {HMC} Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday inay fashilisay isku day la doonayay in si sharci-darro ah dalka looga saaro gabar yar oo Soomaaliyeed, taas oo qorshuhu ahaa in loo tahriibiyo dalka Liibiya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay in gabadhan laga soo tahriibiyay magaalada Laascaanood, iyadoo ay wehliyaan shakhsiyaad ku lug leh shabakadaha tahriibinta dadka.
Kooxdan ayaa isku dayay inay si khayaano ah ugu sameeyaan dukumintiyo safar si ay u marin-habaabiyaan laamaha amniga, balse feejignaan dheeri ah oo ay muujiyeen saraakiisha socdaalka ayaa horseedday in la fashiliyo qorshahaas.
“Baaritaan iyo hubin qoto dheer oo ay sameeyeen saraakiisheena garoonka ayaa lagu ogaaday in gabadhan da’da yar ay ku jirtay gacanta dad tahriibiyeyaal ah. Waxay isku dayeen inay adeegsadaan dukumintiyo been abuur ah, balse dadaalkeenna ku aaddan ilaalinta muwaadiniinta ayaa ka xoog batay dhagartooda.” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda Socdaalka.
Kiiskan ayaa hadda loo gudbiyay Laanta Baarista Dembiyada ee CID-da, si baaritaan rasmi ah loogu sameeyo dadkii ku lugta lahaa falkan, loona horgeeyo cadaaladda.
Ugu dambeyntii, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku raadjoogto shaqsiyaadka ku lugta leh tahriibinta dadka oo la sheego in ay dano dhaqaale ugu dhaqaaqaan falkaasi.
Maalmihii la soo dhaafay dhalinyarro badan oo Soomaaliyeed ayaa qaab tahriib ah loogu qaadayay dalal ay kamid tahay Liibiya, si ugu sii gudbaan qaaradda Yurub.






