spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Booliska Puntland oo gacanta kudhigay nin lagu tuhunsan yahay mukhalasnimo.

Booliska Puntland oo gacanta kudhigay nin lagu tuhunsan yahay mukhalasnimo.

0
25

Khamiis 26 Feb 2026 {HMC} Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in ay xireen mukhalasnimo iyo tacadiyo ka dhan ah muwaadiniin Soomaaliyeed, kadib hawlgal ay ka fuliyeen gobolka Nugaal.

Bayaan ka soo baxay Qaybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa lagu sheegay in la qabtay eedaysane lagu magacaabo Guuleed Cabdicasiis Axmed, kaas oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa tahriibinta dhalinyaro Soomaaliyeed iyo falal kale oo la xiriira mukhalasnimo.

Boolisku waxay sheegeen in ninkan sidoo kale lagu eedeeyay tacadiyo jireed oo sababay dhaawacyo culus, kuwaas oo la sheegay in uu ka geystay gudaha dalka Liibiya, halkaas oo ay ku sugnaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo tahriibayaal ah.

Ciidamada ammaanka ayaa intaas ku daray in ay weli socdaan hawlgallo ka dhan ah kooxaha mukhalasiinta iyo cid kasta oo lagu tuhmo inay gacan ka geysatay falalka lagu eedeeyay ninkan la qabtay.

Mas’uuliyiinta ayaa xusay in eedaysanaha uu haatan ku jiro baaritaan, isla markaana la horgeyn doono hay’adaha cadaaladda marka ay soo dhammaato baarista.

Waa markii ugu horraysay oo ay Puntland qabato qof lagu tuhmayo inuu kamid yahay dadka wax tahriibiya, iyadoo talabaadan ay ku soo aadayso xilli degaanada Puntland ay kamid yihiin meelaha ugu badan ee dhalinyaradu ay ka tahriibto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here