Jimco 27 Feb 2026 {HMC} Koox burcad-badeed ah oo ka baxay deegaanka Maraya ee degmada Eyl ayaa maanta xeebaha degmadaas ku weeraray dooni kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan, iyaga oo weerarkaas kala kulmay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Kooxda burcad-badeedka ah ayaa rasaas looga soo furay doonta ay weerareen, waxaana rasaastaas ku dhintay hal nin, halka ay ku dhaawacmeen labo kale. Meydka ninka dhintay iyo labada dhaawaca ah ayaa ka soo caaryay xeebta magaalada Eyl, halkaas oo hadda lagu daawaynayo dhaawacyada.
Ciidamada ammaanka Puntland ayaa la wareegay labada nin ee dhaawaca ah iyo ninkii waday saxiimadii keentay Eyl, waxaana sidoo kale talaagad la geliyay meydka ninkii dhintay. Burcad-badeeda oo markii hore la sheegay in ay ka koobnayd 10 nin, ayaa waxaa baxsaday intii ka badbaaday rasaasta looga soo furay doonta ay weerareen.Puntland travel guide
Weeraro ka dhan ah doonyaha iyo maraakiibta ayaa muddooyinkii dambe ka dhacayay xeebaha Puntland, taas oo muujinaysa in ay dib u soo laabteen falalkii burcad-badeedka.
Xeebaha Puntland, gaar ahaan agagaarka degmada Bandarbeyla waxaa ku afduubtay markab kalluumeysi oo leeyahay Shiinaha luguna magacaabo Liao Dong Yu 578, kaas oo koox burcad-badeed ah ay qabsadeen 31-kii Diseembar 2025.






